Wednesday, May 28, 2014

Ha tahriibine waxbaro

Kumanaan dhalinyaro ah ayaa ka baxa dhulkeena, si'ay nolol uga raadsadaan dibadaha. Qaar badan oo ka mida dhalinyaradaa ka mid ah, nasiibku uma saamaxo inay ka badbaadaan socdaalka khatarta badan. Qaar badan oo kalena waxa laga soo celiyaan dhexda, ayagoo lumiyay biilkii reerahooda. Xataa kuwa gaadha taargadkooda waxba ma faaiidaan, ayagoo ku dambeeye, xerya qaxoonti oo dhibaato badan, xabsiyo, iyo shaqooyin liita oo anfac daran. Hadaba, waxaan soo ogaaday si sharaf badan iyo anfac oo lagu tegi karo dalalka aynu u yaacayno, waa waxbarasho.

In ka badan dhalinyarada ka baxda dalkeena oo dhalinyaro ah ayaa ka baxda dalka Nigeria sanad kasta, laakiin waxbarasho ayay u baxaan ayagoo aadaya jaamacadaha iyo machadyada aduunka ugu caansan. Dhalinyaradan waxyar oo ka mid ah ayaa hela taageero dawladeed. Hadaba siday u heleen waxbarashada? Waxay ku helaan ayagoo iibsadaa buugaagta imtixaanada caalamiga ah ee SAT, ICT, AP, TOEFL, iyo A levelska lagu galo, kadibna is bara. Markay buugaagta akhristaan ayay qaataan imtixaanada kadibna, dhibcohooda u diraan jaamacadaha ayagoo buuxinayaa waraaqaha kale ee codsiga (applications).

Tiro aad u saraysa oo ardaydan ka mid ayaa ku guulaysta inay helaan deeqa waxbarasho oo buuxa ( full scholarships). Waxa sii dheer waxbarashada inay helaan ogolaansho ah inay shaqeeyaan wakhtiga firaaqada ah. Markay waxbartaana waa dad laga dambeeyo. Nigeria maaha dalka kaliya ee ardaydu ka baxaan, ee dalal kale oo badan oo Africa ah ayay tani ka dhacdaa.

Sidee ayaa tan lagu gaadhayaa? Waxa lagu gaadhayaa ayadoo la iibsado buugaagta loo baahanyay, dabadeed la akhristo. Imtixaanadan oo dhan waxa lagu qaataa dalalka jaarka sida Ethiopia, iyo Kenya. Wakhtiga la galayo iyo faahfaahinta imtixaanada waxa laga heli karaa https://apstudent.collegeboard.org/home iyo http://www.a-levels.co.uk/. 

Hadabada jaamacadahani maxay u siiyaan deeqaa ardayda Africaanka? Jamaacadu waxay u baahan yiin dad cusub oo dhaqan ahaan iyo aqoon ahaanba wax ku soo kordhin kara. Waxay doonayaan dad nololo kala duwan ku soo noolaa oo sheekooyin kala duwan wata. Taasna cid kaga wanaagsan Somaalida ma jirto. 

Hadaba buugaagta iyo imtixaanadu kama qaalisana lacagta lagu tahriibka, wax akhriskuna kama dhib badna doon la raaco iyo saxare laga talaabo, sidaa darteed waxaan rajaynayaa inaan arko dhalinyaro badan oo wax u baranaynaysa dalka, magacna u soo jiidaysa.

Fadlan, dadka kale gaadhsii hadaad aragto qoraalkan!
Wixii su'aalo, ama waxsheega xaga hoose( comments) ku soo qor.