Wednesday, May 28, 2014

Ha tahriibine waxbaro

Kumanaan dhalinyaro ah ayaa ka baxa dhulkeena, si'ay nolol uga raadsadaan dibadaha. Qaar badan oo ka mida dhalinyaradaa ka mid ah, nasiibku uma saamaxo inay ka badbaadaan socdaalka khatarta badan. Qaar badan oo kalena waxa laga soo celiyaan dhexda, ayagoo lumiyay biilkii reerahooda. Xataa kuwa gaadha taargadkooda waxba ma faaiidaan, ayagoo ku dambeeye, xerya qaxoonti oo dhibaato badan, xabsiyo, iyo shaqooyin liita oo anfac daran. Hadaba, waxaan soo ogaaday si sharaf badan iyo anfac oo lagu tegi karo dalalka aynu u yaacayno, waa waxbarasho.

In ka badan dhalinyarada ka baxda dalkeena oo dhalinyaro ah ayaa ka baxda dalka Nigeria sanad kasta, laakiin waxbarasho ayay u baxaan ayagoo aadaya jaamacadaha iyo machadyada aduunka ugu caansan. Dhalinyaradan waxyar oo ka mid ah ayaa hela taageero dawladeed. Hadaba siday u heleen waxbarashada? Waxay ku helaan ayagoo iibsadaa buugaagta imtixaanada caalamiga ah ee SAT, ICT, AP, TOEFL, iyo A levelska lagu galo, kadibna is bara. Markay buugaagta akhristaan ayay qaataan imtixaanada kadibna, dhibcohooda u diraan jaamacadaha ayagoo buuxinayaa waraaqaha kale ee codsiga (applications).

Tiro aad u saraysa oo ardaydan ka mid ayaa ku guulaysta inay helaan deeqa waxbarasho oo buuxa ( full scholarships). Waxa sii dheer waxbarashada inay helaan ogolaansho ah inay shaqeeyaan wakhtiga firaaqada ah. Markay waxbartaana waa dad laga dambeeyo. Nigeria maaha dalka kaliya ee ardaydu ka baxaan, ee dalal kale oo badan oo Africa ah ayay tani ka dhacdaa.

Sidee ayaa tan lagu gaadhayaa? Waxa lagu gaadhayaa ayadoo la iibsado buugaagta loo baahanyay, dabadeed la akhristo. Imtixaanadan oo dhan waxa lagu qaataa dalalka jaarka sida Ethiopia, iyo Kenya. Wakhtiga la galayo iyo faahfaahinta imtixaanada waxa laga heli karaa https://apstudent.collegeboard.org/home iyo http://www.a-levels.co.uk/. 

Hadabada jaamacadahani maxay u siiyaan deeqaa ardayda Africaanka? Jamaacadu waxay u baahan yiin dad cusub oo dhaqan ahaan iyo aqoon ahaanba wax ku soo kordhin kara. Waxay doonayaan dad nololo kala duwan ku soo noolaa oo sheekooyin kala duwan wata. Taasna cid kaga wanaagsan Somaalida ma jirto. 

Hadaba buugaagta iyo imtixaanadu kama qaalisana lacagta lagu tahriibka, wax akhriskuna kama dhib badna doon la raaco iyo saxare laga talaabo, sidaa darteed waxaan rajaynayaa inaan arko dhalinyaro badan oo wax u baranaynaysa dalka, magacna u soo jiidaysa.

Fadlan, dadka kale gaadhsii hadaad aragto qoraalkan!
Wixii su'aalo, ama waxsheega xaga hoose( comments) ku soo qor.

Friday, August 30, 2013

Maxaad odhan lahayd hadii lagu yidhaahdo dhakhtarka maskaxda u tag?



Ma ogatahay inay MIT tahay jaamacada ugu waxbarashada adag aduunka? Ardayda timaada jaamacadan MIT waa ardayda ugu saraysa waxbarasha ahaan dugsiyadooda sare. Mid kastaaba wuxuu ahaan jiray arday laga dambeeyo ama u xariifsan dugsigiisa. Hasa ahaatee marka ay yimaadaan halkan ee lagu dhexdaro boqolaal kale oo ka daran, qaarbadan ayaa u qaadan waa iyo dawakh ku dhacaa. Taa waxa u sii dheer, ardaydan midkastaba way u fududayd inuu dhibco sare keeno dugsigiisii sare, laakiin MIT taasi way adagtay.

Si loo ilaaliyo ardayda caafimaadkooda waxaa wacyo galin badan loo sameeyaa marka ay cusub yihiin. Wacya gelintani waxay ka caawisaa ardayda inay fahmaan inaa hawshan lala qabo oo uu arday waliba dhib la maro waxbarashada jaamacadan. 

Hadaba manta ayay ahayd maalintii wacyo gelinta ardayda cusub. Waxa waayo-aragnimadoodii nala wadaagay arday sanadkan qalin jebinaysa oo dhibaatooyin kala duwan soo martay. Sheekooyinka ay ardaydani noo sheegeen way qiimo badnayeen. 

Ardayad ka mida ardaydan ayaan waxay noo sheegtay inay ku adkaatay waxbarashadi, uqaadan waana ay ku noqotay. Dabadeed waxay bilawday inay iska dayso hurdada gebi ahaanba, si ay wax u akhrisato. Aad ayay markaa u faraxsanayd oo waxay u haysatay inay xirfad aan dadka kale ogayn ay heshay. Markay todobaad ku dhawdahay hurdo la’aana ayaa xanuun khatari ku dhuftay, neerfo ayaa istaabtay markaa maskaxdiba way isku dhex yaacday. 

Ardayadii oo dhibaataysan markii la arkay ayaa loo sheegay inay dhakhtarka maskaxda ee jaamacada tagto. Way is adkaysa oo waxay tidhi waayo qof maskaxda ka buka way iskala waynayd mida kala may doonayn in la ogaado inay waxbarashadu ku adagtahay. Hase ahaatee markii dhibaatadi ka tan badatay ayaa ay ogolaatay inay tagto dhakhtarka. 

Dhakhtarkii wuxu ku dhiiri geliyay inay dhibaatadeeda dadka u sheegto. Hadaba muxuu dhakhtarku ugu sheegayaa inantu inay sirteeda faafiso? Wuxu ugu sheegayaa, waa uu doonayaa inay ogaato inaanay ahayn qofka keliya ee waxbarashadu ku adagtahay, laakiin dadka kale badankoodu ay hurdo qaataan. Sidaas ayaanay noqotay oo arday kastaaba dhibaato ayuu u sheegay. Markay ardayadi ogaatay ina ay bulshadeeda wax la qabto, xanuunkiina ay ka ladnaatay ayay bilawda inay caadi dareento. Intaa ka dib waxay bilowday inay waxbaradheeda ku dadaasho iyadoon waxyaabaha asaasiga ah ka tegayn. 

Hadaba waxan oo dhan maxaa nooga faa’iido ah ee naloogu sheegayaa? Waxa naloogu sheegayaa inaanu werwerku naga tan badan oo aan ardayda kale u sheegno si aan u ogaano in wax nala qabo. 

                                                                                                          Mubarik Mohamed Mohamoud

Friday, August 23, 2013

MIT maana bini aadam loo samayn?

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa libaax nimaan aqoon ayaa lax ka rita. Sanad ka hor waxaan u sheegi jiray saxiibaday inaan doonayo in Massachusetts Institute Of Technology(MIT) wax ka dhigtoy. Waxay markastaba ii sheegijireen inay tahay hami gaadhitaankeedu adagyahay. Hasa ahaatee ilaahay waa igu guuleeyay.

Waxaan sugo dadkuna ii hambalyeeyaanba waxaa la gaadhay wakhtigii schoolka la geli lahaa. Waxay ku bilaabantay dalmarinta(kala barida dalka iyo jaamacada qaybeheeda) ardayda ajaanibka ah. Waxyaabaha markasta maskaxdayda ku soo noqnoqda waxaa ka mida, inuu qofkasta oo aan la kulanaaba uu odhanayay,”Kolay midkasta oo idinka midi wuxuu u malaynayaa inaanu jaamacadan u qalmin lana qabsan Karin, laakin waxaan idiin sheegaynaa inaad dhamaan tihiin arday fiican oo u qalanta kana soo bixi doonta waxbarashada jaamacadan.” Ardayda midkastaaba wuxuu leeyahay taariikh waxbarasha qayral caadiya. Hadaba yaa u qalma inuu meeshan yimaado markay ardaydan kalsoonidoodu sidan tahay? Waa su’aal xaadira.


Taaba waxa ka sii daran, waxaad barxada schoolka ku arkaysaa boqolaal qof oo dalxiisa yaala maalinkasta. Markaad dadkaa eegto iyo farxada wejigooda ka muuqata, waad yaabaysaa. Dadkani ma faraxsana maxaa yeelay jaamacada ayay heleen ama caruurtoodi heshay lakiin waxay nasiib u yeesheen inay yimaadaan  MIT ay sawiro ku galaan kana qaataan si ay taariikh ugu noqoto.