Friday, August 23, 2013

MIT maana bini aadam loo samayn?

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa libaax nimaan aqoon ayaa lax ka rita. Sanad ka hor waxaan u sheegi jiray saxiibaday inaan doonayo in Massachusetts Institute Of Technology(MIT) wax ka dhigtoy. Waxay markastaba ii sheegijireen inay tahay hami gaadhitaankeedu adagyahay. Hasa ahaatee ilaahay waa igu guuleeyay.

Waxaan sugo dadkuna ii hambalyeeyaanba waxaa la gaadhay wakhtigii schoolka la geli lahaa. Waxay ku bilaabantay dalmarinta(kala barida dalka iyo jaamacada qaybeheeda) ardayda ajaanibka ah. Waxyaabaha markasta maskaxdayda ku soo noqnoqda waxaa ka mida, inuu qofkasta oo aan la kulanaaba uu odhanayay,”Kolay midkasta oo idinka midi wuxuu u malaynayaa inaanu jaamacadan u qalmin lana qabsan Karin, laakin waxaan idiin sheegaynaa inaad dhamaan tihiin arday fiican oo u qalanta kana soo bixi doonta waxbarashada jaamacadan.” Ardayda midkastaaba wuxuu leeyahay taariikh waxbarasha qayral caadiya. Hadaba yaa u qalma inuu meeshan yimaado markay ardaydan kalsoonidoodu sidan tahay? Waa su’aal xaadira.


Taaba waxa ka sii daran, waxaad barxada schoolka ku arkaysaa boqolaal qof oo dalxiisa yaala maalinkasta. Markaad dadkaa eegto iyo farxada wejigooda ka muuqata, waad yaabaysaa. Dadkani ma faraxsana maxaa yeelay jaamacada ayay heleen ama caruurtoodi heshay lakiin waxay nasiib u yeesheen inay yimaadaan  MIT ay sawiro ku galaan kana qaataan si ay taariikh ugu noqoto. 

2 comments:

  1. Salaamu Calaykum,

    waan ku hambalyaynayaa horta fursadda qaaliga ah ee aad ku guulaysatay iyo gaadhistaa aad gaadhay wax aad ku hamiyi jirtay helistiisa oo ah inaad gali doonto MIT.

    Koley qofba waxbaa la mudan ee aniga waxa illa mudan nafaheena oo ka qaalisan kana doorbidan wax wal oo dunida yaala,ka qof ahaan waxa Illaahay inoo sameeyey inaan ka faaidayno waxa dunida yaala oo dhan uuna adeegsano xirfado iyo tabo aan uugu habeeyno sifooyin waxtar inoo yeelan kara inaga iyo jiilasha soo socdaba,waxaad ogataa in ay fuduhay helis fursad wax aad ku hamiyeysay lakiin se ay adagtay noloshaadda danbe waxa ku xiga siddaad adiga oo qimahaaga qof ahaneed yahay siddaad hooyo,aabo iyo asxaab aad la dhex joogtay ah aad ku gaadho,koley isbadal waa ku yimaadaa nafaheen,ha ka yimaado nafaheena ama cidda inagu xeersan,waxaynu leenay garaad Illaah inagu manaystay oo inoo sahla inaan kolba is leekeysiino wakhtiga iyo xiliga aan ku noolnay kaas oo inaa sahlay inaan maanta soo gaadhno adiga iyo aniguba oo aankaga duwanay noolaha inta kale ee kolba dabar goda markay la qabsan waydo xili degaankeeda.waxaan ahaa mid ka soo qayb galay xafladiinii waxaana igu kalifay inaan komentka nocan ah ku soo qoro waxa weeye waxa aynu wadaagno oo ah da,dhul iyo diin.masuuliyadayda binu aadam ahaan ina saaran ayaa ina faraysa inaan is ban baanino midba midkeena kale siddaas ayaan ku gaadhi karnaa bulsho fayow oo masuul ah.

    ReplyDelete